WARARKA SOOMAALI

Hoggaamiyihii Kooxda Wagner Prigozhin oo ku geeriyooday Shil Diyaaradeed

Hoggaamiyihii Kooxda hubeysan ee Calooshood-u-shaqaystayaasha Ruushka, Yevgeny Prigozhin iyo 9 qof ayaa ku dhintay Shil Diyaaradeed oo gelinkii dambe ee maanta oo Arbaco ah ka dhacay meel ku dhow Tuullada Kuzhenkino ee Gobalka Tver ee W/Galbeed ee dalka Raashiya.

Diyaaradda burburtay oo nooceedu ahaa Embraer-153BJ Private Jet ayaa waxaa iska leh Shirkassa MNT-Aero, iyadoo Lambarka ku qoran Diyaarada dibkeeda (The tail number) ahaa RA-02795.

Waxaa la rumeysan yahay inuu Yevgeny Prigozhin lahaa Diyaarada uu ku dhintay balse, weli Dowladda Ruushka ma xaqiijinin Warkaasi.

Wasaaradda Gurmadka Degdega ee dalkaasi ayaa waxay sheegtay inay Shilkaasi ku wada dhinteen Tobankii qof ee la socday oo kala ahaa: 3 Duuliye iyo 7 qof oo Rakaab ahaa.

Diyaaraddaasi oo ka soo duushay Garoonka Caalamiga ee Sheremetyevo oo ku yaalla Caasimadda dalkaasi ee Moscow, waxay ku sii jeeday magaalladda Saint Petersburg.

Wakaallada Wararka RIA Novosti ayaa waxay sheegtay in maydadka 8 qof laga soo saaray burburka Diyaaradda, waxaana Guddi Khaas ah loo magacaabay Baaritaanka Shilkaasi.

Hoggaamiyihii Kooxda Wagner Prigozhin oo ku geeriyooday Shil Diyaaradeed
To Top