WARARKA SOOMAALI

Dowladda Qatar oo taageero u ballan-qaaday Dowladda Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya Cabdalla Binu Saalim Al-Nuceymi.

Kulanka Ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday xoojinta xiriirka iyo iskaadshiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka.

Dhankiisa, Danjire Cabdalla ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Xiriirka u dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa la sheegay inuu bilihii lasoo dhaafay ahaa mid aan wanaagsaneynin, waxaana xog la helay ay tilmaameysaa in RW Xamse safar uu ku tegi lahaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalkaas uu ka baaqday.

Dowladda Qatar oo taageero u ballan-qaaday Dowladda Soomaaliya
To Top