WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo Caburin ku bilowday shacabka Muqdisho & Amarka soo baxay

Taliska ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo saaray Go’aan uu ku mamnuucay in gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho lagu qabto banaanbax aan marin habraac saxan, sidoo kalena aan la ogeynin in la abaabulo banaanabax.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka ayaa lagu sheegay in sababo amni darteed loo joojiyay in banaanbaxyo lagu qabto magaalada Muqdisho, iyagoona tilmaamay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo abaabulka banaanbax.

Dadweynaha ku dhaqan caasimadda iyo naxaawigeeda ayaa lagu Wargeliyay in aysan abaabuli karin, isla markaana aysan dhigi karin wax banaanbax oo aan loo marin habraac saxan,

”Dadweynaha Soomaaliyeed, ee ku dhaqan Caasimada iyo nawaaxigeeda, waxaa lagu wargalinayaa, sababo amaan dartood, in aan la abaabulikarin, la qaban karin banaan-bax aan loo marin habraac saxan, sida ku cad Xeerka Nabadgalyada Guud. Cidii ku kacda ama lagu helo iyada oo abaabulaysa, waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska.

Mamnuucida dibad-baxyo in lagu qabto magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xilli dhawwaan Muqdisho dibad-baxyo rabshado watay ka dhigeen dad kasoo horjeeda xarig ciidanka dowladda u geesteen Jeneraal Sheegow.

Dowladda oo Caburin ku bilowday shacabka Muqdisho & Amarka soo baxay
To Top