WARARKA SOOMAALI

Hindise sharciyeedyada la horgeynayo Golaha Shacabka oo kulan laga yeeshay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 21-aad  ee Guddiga  Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxaa uu ajandihiisu ahaa ajandeynta hindise sharciyeedyada la horgeynaayo Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay habraaca dastuurka, iyadoo kulanka warbixin looga dhageystay guddiga kasoo tala-bixinta wax ka bedelka iyo kaabista dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeennada Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Hindise sharciyeedyada la horgeynayo Golaha Shacabka oo kulan laga yeeshay
To Top