WARARKA SOOMAALI

Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Garaadada SSC ee ku sugan Muqdisho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan qado Sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah Garaadada SSC ee ku sugan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho

Madaxweynaha  ayaa ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka tagaan Gobolka Sool, isagoo kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida bulshada deegaanka.

Garaadada Dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxa ayna soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka ka socda Gobolka.

Waxaa Madaxweynaha kulanka ku weheliyay Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Wasiiro katirsan Xukuumada iyo Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka JFS

Garaadada SSC ee ku sugan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa horey kulamo uga qaatay Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.

Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Garaadada SSC ee ku sugan Muqdisho
To Top