WARARKA SOOMAALI

Taliye Bixii oo gaaray deegaan ay Al-Shabaab hub kala soo degi jireen

Taliyaha ciidanka Lugta ee xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa kormeer waxaa u ku tagay deegaan xeebeedka Mareeg oo  hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud qiyaastiina u jira 28 kiilo Miter.

Deegaankaan ayaa qayb ka ah goobaha Al-shabaab lagala wareegay,halkaas oo ay ku sugan yihiin hatan ciidamada qaybahooda kala duwaan oo ay ugu horeyaan kuwa ilaalida xeebaha,kadiba markii gacanta ay ku dhigeen CXD.

Jeneraal Biixi iyo xubnaha la socday ayaa u kuur galay xaalada deegaanka Mareeg ay joogaan ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya iyo dadka deegaanka, waxa uuna taliyaha kormeeray xeebta deegaankaasi .

Saraakiisha ciidanka ayaa taliyaha u sheegay in deegaanka Mareeg xeebtiisa kooxda Al Shabaab u aheyd muhiim, waxa ayna xuseen in kooxdaasi xeebta kala soo degi jireen hubka iyo waxyaabaha qarxa ay isticmaalaan.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaana hadda si buuxda gacanta ugu haya deegaan xeebeedka Mareeg, waxaana xeebta mararka qaar dalxiis iyo dabaal u taga dadka shacabka ah ee ku dhaqan Ceeldheer iyo deegaanno kale.

Al-Shabaab ayaa horay uga mamnuucday in dadka ay u dalxiis tagaan xeebtan,taas oo ay sabab u ahayd in ay halkaas kala soo dagi jireen hubka iyo walxaha qarxa oo ay ku dhibaateyaan dadka Shacabka ah.

Taliye Bixii oo gaaray deegaan ay Al-Shabaab hub kala soo degi jireen
To Top