WARARKA SOOMAALI

Hey’addaha ammaanka oo sameeyay Taleefanka Xaaladaha degdega ee lagala soo xidhiidhi karo.

Hey’addaha ammaanka ayaa sameeyay taleefan dadka kala soo xiriiri karaan, marka ay jiraan xaaladaha deg dega, iyadoo sare loo qaaday heerka feejignaanta ee ciidamada ammaanka.

Wasiirka Warfaafinta Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray taleefan lagala xiriiro karo hey’adaha ammaanka, kaasoo nambarkiisu yahay 991.

Sidoo kale Bogga facebook ee wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa lagu soo bandhigay taleefanka nambar ee dadka la xiriiri karaan.

“Hay’adaha Amniga waxay sameeyeen Telefoonka xaaladdaha degdegga ah dadku kala soo xiriiri karaan wixii akhbaar ahna u gudbin karaan: WAC 991″ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay bogga Facebook ee wasiirka Amniga.

iyadoo xilligaas hey’adaha amniga ay ku sheegeen in lagala soo xiriiri karo, marka khatar amni iyo xaalado kale la arko.

Hase ahaatee waxaa la sheegay in xilligaas aan si rasmi ah loo howl gelin, isla markaana haatan dib loo cusbooneysiiyay.

Hey’addaha ammaanka dowladda ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay qaadaan tallaabooyin hor leh oo la xiriira sugida amniga Caasimadda, kaddib qaraxii 14-kii bishan lagu gumaaday shacab fara badan oo ku dhow 300 oo ruux.

SOMALI NEWS

To Top