WARARKA SOOMAALI

Dawladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday goorta la soo bandhigayo baadhitaanka Dhacadii xumeyd ee Zoope.

Wasiirka Warfaafinta Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo ka mid ah Guddiga Gurmadka ay Xukuumadda u saartay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Isgoyska Zoobe ka dhacay 14-kii bishan ayaa sheegay in saacadaha soo socda la soo bandhigayo baaritaano horu dhac ah.

Eng. Yariisow oo la hadlayay Telefishinka SNTV ayaa sheegay in Hey’addaha ammaanka ay caawa fiidka soo bandhigayaan baaritaano horudhac ah oo ku saabsan kiiskaas.

“Hey’addaha Ammaanka waxay caawa fiidkii soo bandhigayaan baaritaan horudhac ah oo ku saabsan falkii Zoobe, waxaa macluumaadkaas lala wadaagayaa shacabka”ayuu yiri Eng. Yariisow.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadaalada loogu gurmanayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Zoobe ay socdaan, waxaana uu ka mahad celiyay taageerada illaa hada ay dowladdu ka heshay dalal dhowr ah.

Su’aalo kala duwan ayaa ku wareegsan weerarkaas oo aanay wali cidna sheegin, balse dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay ka dambeyso Al-Shabaab.

Hey’addaha ammaanka ayaa gacanta ku dhigay darawalka gaari ku qarxay xaafada Ceel Qalaw, kaddib qaraxii weynaa ee Isgoyska Zoobe, waxaa la tuhunsan yahay in gaarigaas qarxay iyo gaariga weyn ee ku qarxay Isgoyska Zoobe ay xiriir lahaayeen.

Waxaa kaloo jira nin la sheegay inuu damiintay gaarigii qarxay isna gacanta lagu dhigay oo ay gacanta ku hayaan hey’adaha ammaanka.

Wargeyska The Guardian ayaa qoray in ninkii ka dambeeyay weerarkaas uu ahaa askari horay uga tirsanaa ciidamada dowladda, sidoo kale waxaa ay sheegtay in weerarkaas uu xiriir la lahaa howl galkii ka dhacay Bariire bishii August oo ay qaadeen Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Mareykan ah oo lagu dilay dad rayid ah.

Si kastaba ha ahaatee hey’adaha ammaanka ayaa laga sugayaa baaritaanka macluumaadka ku saabsan weerarkaas iyo qaabkii loo soo abaabulay iyo sida gaariga qarxay ugu suura gashay inuu soo gaaro bartamaha magaalada, isagoo soo maray dhowr bar koontarool oo qaarkood xoog ku soo jiiray markii la joojiyay.

SOMALI NEWS

To Top