WARARKA SOOMAALI

Hay’ada Fozia Foundation oo kulan ku qabatay Ohio & Baahiyaha Caafimaad ee Gobolada Sool & Cayn-sawiro

Waa kulan Ohio loogu qabtay xubnaha hay’ada Fozia Foundation oo ah hay’ ad dhanka caafimaadka deegaamo Soomaaliya ku yaala ka shaqaysa taasoo dhawaan magaalooyin ku yaala
Gobolada Sool iyo Cayn ka dhisi doonta cusbitaalo waa weyn.

Fozia Xaaji Dirir oo ah Aasaasa Hay’adan Khayriga ah iyo Nasra Maxamed Mirre waxay ka siiyeen xog aad u wanaagsan oo ku saabsan heerka caafimaad ee dalka guud ahaan iyo gaar ahaan kan deegamadii ay Sahamiyeen dadkii isugu yimid kulankaas.

Waxay dhankooda bulshada Soomaaliyeed ee Ohio ka heleen balan qaad buuxa oo ku saabsan in wax qabadka lagala qayb qaato taasoo odayaasha Hablaha iyo waxgaradkuba balan qadeen.

Warbixinaha waa weyn ee ay soo bandhigeen waxay ku nuux nuuxsadeen baahiyaha ay doonayaan inay daboolaan labada Cusbitaal ee ugu soo horeeya oo ay ka hergelin doonaan magaalooyinka Widhwidh iyo Awrboogays ee gobolada Cayn iyo Sool, kuwaasoo lagaga maarmi doono in deegaamo fog fog loo doonto caafimaad ama xaalad wax lagaga qaban lahaa gudaha magaalooyinkaas. Bisha danbe ee March 31keeda ayaa lagu qabanayaa kulan kan ka balaadhan magaalada xarunta u ah gobolka Ohio ee Columbus kaasoo boqolaal qof ku casuuman yihiin.

Dad badan oo Soomaaliyeed oo qurbajooga ah ayaa hada u tafaxaydan sameynta barnaamijyo waxtar u leh deegamadii iyo maalgashi ku saabsan in dalkii dibudhiskiisa laga qayb qaato.

SOMALI NEWS

To Top