Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa magaalada London kusoo dhamaaday shirka Madaxda Qaranka, Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka.
Shirka ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed waxaana siyaabo kala duwan uga hadlay Madaxda Soomaalida iyo kuwa Beesha Caalamka.
Madaxii qaban qaabada shirka C/raxmaan Ceynte oo ka hadlay sida uu shirka u dhacay ayaa sheegay in DFS ay gaartay guul la taabankaro.
Ceynte waxa uu sheegay in shirka uu laf-dhabar u ahaa Horumarka Umadda Soomaaliyeed waxa uuna tilmaamay in guul laga gaaray shirka.