WARARKA SOOMAALI

Gudidada Nabadda iyo Horumarinta Qayaad & Bahararsame oo go’aamo dhaxal gal ah soo saaray Gudoona doortay.

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 25/03/2017 , shir isugu yimi gudida nabadda iyo horumarinta ee beelaha Qayaad iyo Baharsame ee UK, kaas oo dhawaan ladhisay. Kulankan oo kadhacay London, ahna kulankii ugu horeeyay ee uu yeesho ayaa falanqayn iyo talo u rururin dheer kadib, waxaa laga soosaaray qodobo dhawra ah. Waana sida soosocota,

1) Wuxuu goluhu ugu horeyn ka tacsiyeynayaana dilkii ka dhacay Laascaanood, anagoo si wadajira u gaadhsiinayna tacsi qoyskii iyo qarabadii, waxaa uu sidoo kale cambaareeyay falkii foosha xumaa, una dambeeyay dhibkii jiray ee Ka dhacay magaalada Laascaanood

2) In meel looga soowada jeesto dadka nabad diidka ah si beel beel ah si jufo jufo ah ama wada jirba, tusaale in farta lagu fiiqo oo aan la qarin ciddii dilgaysata ladhahana ina hebel baa dilka gaystay, lana odhan Qayaad ama Baharsame baa wax dishay oo lays huursan

3 ) In xidhiidh joogta ah ay yeeshaan qurba jooga labada beelood, sidoo kalana ay gudo googta xidhiidh la yeeshaan joogta ah, gaar ahaana culimada hawsha nabada wada, cuqaasha, garaadada iyo wax garadka labada beelood

4) In Baharsame iyo Qayaad xalka kaliya ee nabad waafiya, wada noolaansho iyo walaaltinimo Ku helikaraan ay tahay in ladilo ninkii nin dila, lagana bilaababa kii dilkii u dambeeyay gaystay

5) In inta nabad buuxda lagaadhayo haddii ay wax dhacaan lays xakameeyo, adkaysi dheeriya la moojiyo, islamarkaana lagu niyad jabin haddii wax dhacaan, doonidda nabaduna ay noqoto mid aan laga daalin

6) In kalsooni buuxda lasiiyay culimada nabaynta, loogana dambeeyo xal u helida masiibadan jid iyo jaho la’aanta ah, islamarkaana laga daayo doco – dococaynta iyo wixii danqaabikaraba

7) In arinta nabadaynta aysan galin hakad, lana xoojiyo dedaalada nabadda ilaa xal lahelayo

8}In sigaara loowajoho jufooyinkii, qoysaskii iyo shaqsiyaadka dhibku gaadhay ama Ku badan yahay .

9) In dhammaan qurba joogta labada beelood ay baaqyo nabada u hiilinaya ay soosaaraan meelay joogaanba, samaystaana gudiyo sida UK oo kale

Ugu dambayntiina golaha nabadda iyo horomirinta beelaha Qayaad iyo Baharsame ee UK, wuxuu si rasmiya gudoomiye ugu doortay nabadoon Maxamuud Ciise Bootaan iyadoo gudoomiye Ku xigeen loodoortay mudane Cabdi Shube
Wabilaahi Tawdiiq…

Mohamoud Ciise Bootaan

SOMALI NEWS

To Top