WARARKA SOOMAALI

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Madoobe oo ka Jawaabaya Cabasho loo gudbiyay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Madaxda warbaahinta madaxa-banaan iyo qaar ka mid ah hoggaanka Ururadda saxaafada ee dalka.

Guddoomiyaha ayaa waxaa uu warbaahinta kala hadlay ahmiyadda ay leedahay in tabinta doorashada dhici doonto maalinta Axadda ah ee nagu soo aaddan ka yeelato aragti mideysan oo dan u ah qaranka.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay in warbaahinta ay saaran tahay mas’uuliyad culus marxalladaan doorashada ah iyo tabinta najiitadaba, wuxuuna ku booriyay in ay mas’uuliyaddaas ka soo dhalaalaan.

Madaxda warbaahinta ayaa ayagana dhankooda waxay Guddoomiyaha u bandhigeen dhibaatooyin ay ka tirsanayeen gudigga maamulka doorashada oo warbaahinta u diiday in ay gudaha u galaan una tabiyaan doorashada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)  ayaa u sheegay Madaxda warbaahinta in tabashadooda wax laga qaban doono.

Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyay warbaahinta dadaalkooda horumarineed ee ay dalka ka wadaan waxaana uu sheegay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Madoobe oo ka Jawaabaya Cabasho loo gudbiyay
To Top