WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Goobta lagu qabanayo Doorashada Madaxweynaha Dalka oo la diyaariyay

Guddiga isku dhafka ah ee qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay goobta ay ka dhaceyso doorashada oo ah Teendhada Afisiyooni ee ku dhaxtaala Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in teendhada Afisiyooni ka dhacdo 15-ka bishan oo ku beegan maalinta axada, waxaana socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada.

Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankooda wada ololhii ugu dambeeyay ee doorashada, waxaana kursiga ugu sareeya dalka u taagan 39-musharax ay ku jiraan kuwa saameyn badan.

Ammaanka Xarunta Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa la wareegay Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaasi oo sugida amiga ay la kaashanayaan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.

SAWIRRO: Goobta lagu qabanayo Doorashada Madaxweynaha Dalka oo la diyaariyay
To Top