WARARKA SOOMAALI

Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo Maanta yeelanaya kulankii ugu danbeeyay

Guddiga doorashooyinka Xildhibaanada labada aqal ee qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu waddaa in saacaddaha soo socda ay yeeshaan kulan lagu go’aaminaayo doorashada maalinta berri dhici doonta.

Kulanka maanta oo ah mid xasaasi waxaa goobjoog ka noqon doona Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Waxaa lagu waddaa in ay si weyn uga doodaan haddii ay qabsoomi karto doorashada berri, waxaana shalay  xubno guddiga ka mid ah ay sheegeen in ay u diyaarsan yihiin dhammaan agabkii doorashada.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka qeyb galaya  ku dhawaad 39 Musharax ilaa hadda hal qof ayaa shaaciyay in uu ka haray doorashada, waxaana Magaalada Muqdisho ka socda olole doorasho oo aad u xooga.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo Maanta yeelanaya kulankii ugu danbeeyay
To Top