WARARKA SOOMAALI

Guddoomiyaha G/Banaadir oo si kulul uga hadlay dagaal ka dhacay Muqdisho

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa si kulul uga hadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay degmada Kaarana ee gobolka Banaadir, kuwaa oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Cumar Finish oo ka qeyb galay kulan ka dhacay degmada Kaaraan ayaa nasiib daro ku tilmaamay in xiligan gudaha Muqdisho ka dhacaan dagaalo micno daro ah oo lagu daadinayo dhiiga shacabka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dowlada awood u leedahay wax ka qabashada ciidamada dushooda ku dagaalamayay, waxa uuna ugu baaqay shacabka in ay meel uga soo wada jeestaan dadka dushooda doonaya in ay ku dagaalamaan.

 “Dowladdu awood ayay leedahay balse  diyaar uma ahan intay idinka idin jiirto inay u tagto wiilashiinna dambiga sameynaya nooga hormara oo la hadla wiilashiinana celiya si looga baaqsado dhibaato dalka ka dhacda ayuu yiri” Guddoomiye Cumar Filish.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in dalku soo maray kana soo kabtay dagaalo sukeeye iyo bur bur, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay kuwa hada u turbaan tumanaya in dagaalo iyo dhibaatooyinkii lasoo maray dib loogu laabto.

Degmada Kaaraan ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan kuwa dowlada balse u abaabulnaa qaab beeleed, waxaa sidoo kale degmadaasi ka dhacay weerar kale oo ciidamo milatari ah ku dileen askar katirsan booliiska.

SOMALI NEWS

To Top