WARARKA SOOMAALI

Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay Dowlad Deegaanka iyo wararkii ugu dambeeyay

Ugu yaraan 50 ruux oo labada dhinac ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen dagaal culus, oo shalay dhexmaray Ciidamada Dowlad Degaanka Soomaalida DDS iyo kuwa Ismaamulka Canfarta ee dalka Itoobiya.

Dagaalka ayaa bilowday, kadib markii Ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan Canfarta ay weerar xooggan ku qaadeen degaanka lagu magacaabo Dan-lahelay ee Gobolka Siti (DDS), halkaas oo ay ku laayeen Shacab iyo Ciidamo ku sugnaa.

Dagaalkaas kadib, waxa degaanka gaaray Ciidamada loo yaqaan Liyu-Booliiska ee Dowlad Degaanka Soomaalida, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo khasaare badan ka dhashay, sida laga soo xigtay Goob-joogayaal.

Wararkii ugu dambeeyay ee la helayo ayaa sheegaya in dagaalku istaagay gabbal-dhici shalay, balse weli is hor-fadhiyaan labada dhinac, isla markaana laga cabsi qabo in uu sii socdo dagaalka.

SOMALI NEWS

To Top