WARARKA SOOMAALI

Golaha Wasiirada Xukuumadda oo ka shiray bilaabida howlgalo Cusub

Golaha Wasiirrada X.F.S oo yeeshay maanta kulankoodii caadiga ahaa oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Degga ah.

Golaha ayaa ka dhageystay warbixinno Wasaaradda Difaaca iyo Taliyaha howlgalka Wadajirka ee Wejiga Labaad oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, taasoo la xiriirta diyaar garoowga wajiga labaad ee hawlgallada dalka looga xoreynaayo, waxa ayna tilmaameen in uu dhawaan bilaaban doono hawlgalkan oo loo bixiyey Libaaxa Madow.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka, Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Xukuumadda DanQaran uga go’an tahay la dagaalanka Shabaabka.

Sidoo kale, Golaha ayaa warbixinno ku saabsan deyn cafinta iyo Canshuur dhaafka, wax soo saarka Dalka (GDP) 2022 iyo Hannaanka Deeqaha Caalamiga ee (Somalia Aid) ka dhageystay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah.

Guddigii qaban-qaabada Munaasabadaha Toddobaadka Xorriyadda, ayaa golaha la wadaagay sidii guusha ahayd ee ay ku soo dhammaadeen xuskii toddobaadka xorriyadda oo dalka oo dhan lagu qabtay munaasabado lagu wayneynayey, waxa uuna goluhu ku bogaadiyey guddiga sidii wanaagsanayd ee ay u agaasimeen xuskii maalmihii xorriyadda.

Golaha Wasiirada Xukuumadda oo ka shiray bilaabida howlgalo Cusub
To Top