WARARKA SOOMAALI

ATMIS oo shaacisay tirada Saldhigyada ciidan ay wareejiyeen

Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in wadar ahaan 7 saldhig ay wareejiyeen, kuwaasi oo loo qoondeeyay in la wareejiyo si ay u suurtagasho dhimista 2000 oo askari.

Saldhigyadda ay baneeyeen ayuu ku sheegey inay kala yihiin Xaaji Cali, Miirtugo, Cadale, Albao, Gherille, Aljazeera 1 iyo Marka Ayuub, ayaa lagu wareejiyay ciidamada Amaanka Soomaaliya (SSF).

Saldhiga Gherille oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa mas’uul ka ahaa Ciidamaka Kenya ee qaybta ka ah ATMIS halka Saldhiga Aljazeera 1 oo ku yaalla duleedka caasimadda Muqdisho ay mas’uul ka ahaayeen Ciidamada Ugandha ee qaybta ka ah ATMIS.

Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sidoo kale saldhigyo ay kaga sugaayeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ku wareejiyay ciidanka xoogga dalka, waaxana saldhigyadaas oo ciidanka ATMIS joogeen sanno badan ku sugan haatan ciidanka dowladda.

ATMIS oo shaacisay tirada Saldhigyada ciidan ay wareejiyeen
To Top