WARARKA SOOMAALI

Video: DF oo shaacisay Liiska magacyada Dad loo heysto Musuq-maasuq

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay liiska 18-qof oo isugu jira mas’uuliyiin katirsan dowladda oo hadda xiran iyo kuwa kale oo baxsad ku jira.

Mas’uuliyiinta xiran oo isugu jira Agaasimayaal wasaaradeed, kuwa katirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyada iyo Bangiga ayuu dalbaday xeer ilaalinta in lasoo mudeeyo waqtiga Maxkamadda Gobolka Banaadir la horgeenayo.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa shaaciyay in ay jiraan mas’uuliyiin hadda katirsan dowladda iyo kuwa horey xilal usoo qabtay oo loo heesto musuq maasuq, kuwaa uu tilmaamay in ay dalka ka maqan yihiin ayna ku jiraan baxsad.

Masuuliyiinta xeer ilaaliyaha magacooda shaaciyay ee baxsadka ah ayaa waxaa ku jira agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jindiyadaha Soomaaliya Cabduqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka Korneel Maxamed Jimcaale Koofi.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Video: DF oo shaacisay Liiska magacyada Dad loo heysto Musuq-maasuq
To Top