WARARKA SOOMAALI

Golaha Wasiirada Somalia oo maanta Baarlamaanka Codka kalsoonida loo waydiinayo iyo Jawaari oo aan shir gudoomin doonin..

Xildhibaanada Baarlamanaka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda uu soo magacaabay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo ay u badan tahay inay codka kalsoonida ah helaan.

 

Kulanka maanta ayaa waxaa shir guddoomin doona Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Ibraahim Muudeey, iyadoo kulanka maanta aanu shir guddoomin doonin Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ah Kusimaha Madaxweynaha. maadaama Madaxweyne Farmaajo uu dalka ka dhoofay.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin inay meel mariyaan Xukuumadda Ra’iisul wasaare Kheyre, maadaama dalka uu ku jiro marxalad adag, isla markaana laga sugayo Xukuumadda inay gudato howlaha hor-yaala.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulanka ka jeedin doona khudbad uu uga hadlayo barnaamijkiisa xukuumadda, waxaana marka la ansixiyo la filayaa in la dhaariyo Wasiirada cusub.

Si kastab ha ahaatee waxaa isha lagu hayaa kulanka Baarlamaanka ee maanta codka kalsoonida lagu siiyo Xukuumadda cusub, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay socdeen kulamo xal looga gaarayay cabashada Xildhibaanada ka qabaan soo xulista Golaha Wasiirada.

SOMALI NEWS

To Top