WARARKA SOOMAALI

Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan la qaatay Wakiilo ka socday Bulshada Rayidka

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo uu Guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa weli waxaa uu ka socdaa Xarunta teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Golaha ayaa Maanta kulan la yeeshay wakiillo ka socda Bulshada Rayidka ah iyo haweenka Soomaaliyeed oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka, iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u sheegay Ururada Bulshada rayidka in Xukuumadda ay diyaar u tahay in dalka ka qabato doorashooyin daahfuran oo lagu kalsoonaan karo.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Golaha wadatashiga Qaran ay Maanta dood adag ka yeelanayaan arrimo ku saabsan caqabadaha heysta doorashooyinka, isla markaana Gelinka dambe ee Maanta shirka la soo geba-gabeyn doono.

Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan la qaatay Wakiilo ka socday Bulshada Rayidka
To Top