WARARKA SOOMAALI

Ganacsade Soomaali ah oo si arxan darro ah loo dilay iyo mid kale oo la dhaawacay

Faah faahino ayaa kasoo baxaya Muwaadiniin Soomaaliyeed oo xalay fal isugu jiray Dil iyo dhaawac loogu geystay dalka Koonfur Afrika, kadib markii weerar gaadmo ah lagu qaaday goobo Ganacsi oo ay lahaayeen Muwaadiniintaas.

Rag hubeysan oo burcad Koonfur Afrika ayaa weerarka ku qaaday laba Muwaadiniin Soomaali ah oo Dukaaman ku lahaa deegaanka Soweto oo dhacda duleedka Magaalada Johannesb, waxaana halkaas ka baxsaday burcadii hubeysneyd.

Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Jimcaale Cali Dable, halka Axmed Cabdullaahi Cali isna dhaawac halis ah uu kasoo gaaray weerarka lagu qaaday, isagoona durbadii loola cararay Isbitaal, si loogu daaweyo xaaladdiisa Caafimaad.

“Xilligii dukaanka la xirayey ayey 3 Nin oo hubaysan yimaadeen, dukaanka fura ayey dhaheen Axmed oo ahaa Yarkii xiraayey albaabka, markii uu isku dayey inuu ka cararana Madaxa ayey Xabad uga dhufteen waana Dhaawac culus oo Koomo ayuu ku jiraa” ayuu yiri Maxamed Yuusuf oo kamid ah Muwaadiniin Soomaaliyeed oo goobta ka agdhawaa.

Allaha u naxariistee Cabdi Jimcaale Cali ayaa noqonaya Muwaadiniinkii ugu horreeyay ee sanadkaan bilowga ee 2022 lagu dilay dalka Koonfur Afrika oo sanadkii tegay ee 2021 dilal, dhaawac iyo boob loogu geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed.

Ganacsade Soomaali ah oo si arxan darro ah loo dilay iyo mid kale oo la dhaawacay
To Top