WARARKA SOOMAALI

Faah faahin kasoo baxeysa Dagaal dhexmaray Al-shabaab iyo Daacish

Wararka ka imaanaya buuraleyda Cal-miskaad ee Gobolka Bari ee dowlad Goboleedka Puntland  ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeya xubno ka tiran kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Dagaalka labada dhinac ayaa maalin ka hor ka dhacay togga lagu magacaabo Il-cameyra oo ku yaalla Cal-miskaad sida ay xaqiijiyeen macluumaad dhinaca sirdoonka ah

Dagaalka ayaa ka dhashay kadib markii malayshiyaadka Daacish ay weerar kedis ah ku qaadeen koox ka tirsan Shabaab oo sahan dhuumasho ah ku tegay halkaas, sioda ay sheegayaan wararka la helayo.

Malayshiyaadka Daacish iyo Shabaab oo dagaallamay ayaan la ogayn khasaaraha kala gaaray. kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ayaa ku sugan buuraleyda Cal-miskaad ee Gobolka Bari ee dowlad Goboleedka Puntland.

Faah faahin kasoo baxeysa Dagaal dhexmaray Al-shabaab iyo Daacish
To Top