WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya iyo Finland oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Dal

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa arrimaha Dibadda ee Dalka Finland Pekka Haavisto.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dheef-wadaagga ah ee ka dhexeeya Labada Dal, isaga oo Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali uga mahad celiyey Dowladda Finland taageerada ay u fidiso Soomaaliya.

Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Finland Pekka Haavisto taageerada ay u fidiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana labada dhinac ay isla garteen dardar-gelinta xoojinta xiriirka labada dowladdood.

Finland ayaa kamid ah dowladdaha taageerada siiya dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana kamid yihiin Saaxiibada Beesha Caalamka, iyadoona Finland ay ku nool yihiin Soomaali farabadan oo halkaas degan.

Dowladda Soomaaliya iyo Finland oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Dal
To Top