WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo beenisay inay wareejisay Maamulka Hawadda dalka

Wasiirka Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duran Axmed Faarax ayaa maanta oo taariikhdu tahay 5 Janaayo 2022 beenisay in Maamulka Hawada dalka ku wareejisay Shirkad gaar loo leeyahay.

Wasiir Duran Axmed Faarax oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in dowladda Federaalka aysan Maamulka hawadda dalka ku wareejin Shirkad gaar loo leeyahay taas oo fadhigeedu yahay Maraykanka.

”XFS oo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay masuul uga tahay maamulka hawadda uma qorshaysna in Maamulka hawadda ay ku wareejiso shirkad gaar loo leeyahay,” ayuu Yiri Wasiir Duran Axmed faarax.

Soomaaliya ayaa maamusha hawadeeda, waxaana tan ay qayb ka tahay horumaradda ay ku talaabasatay dawladda soomaaliya.

Warbaahinta horufadhi Media ayaa heshay caddeymo ku aadan inuu jiro heshiis qrasoodi ah oo la doonayo in lala galo Shirkad yar oo ay leeyihiin koox Mareykan ah, isla markaana la sheegay in la doonayo in lagu wareejiyo Maamulka Hawada dalka.

Baaris ay sameeysay horufadhi Media ayey ku ogaatay in  Shirkadda la qorsheynayo in lagu wareejiyo hawada dalka oo lagu magacaabo Vecter oo fadhigeedu yahay Mareykanka, waxaana Shirkadan ay jirtaa 9 sanno, iyada oo ay ka shaqeeyaan 8 ruux…

Qorshaha socda ee lagu rabo in Maamulka hawada dalka loogu gacan geliyo Vecter ayaa waxaa uu yahay mid halis weyn ah, isla markaana aan weli la ogeyn sababta keentay arrintaas.

HALKAAN KA DAAWO XOGTA  HORUFADHI 

Dowladda Somalia oo beenisay inay wareejisay Maamulka Hawadda dalka
To Top