WARARKA SOOMAALI

Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay oo War kulul kasoo saaray Weerarkii Al-shabaab

War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa si kulul loogu Cambaareeyay weerarkii Al-shabaab 3-da May 2022 ku qaadeen Saldhig Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday weerarka Al-shabaab, iyagoona sidoo kale Caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay weerarkaas oo ku bilowday qaraxyo loo adeegsaday gaadiid.

Sidoo kale Golaha ayaa caddeeyay inay si buuxda u taageersan yihiin dadaalka ay wadaan Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ATMIS ee ay ku doonayaan inay kaga hortagaan Khatarta ururka Alshabaab.

Warka Golaha Ammaanka ayaa waxaa intaas lagu sii daray muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo guulaha illaa hadda laga gaaray Soomaaliya iyo weliba kor u qaadista taageerada loo fidinayo Ciidamada DFS, iyagoona xusay in lala xisaabtamo dembiilayaasha, abaabulayaasha iyo maalgeliyayaasha.

Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka Burundi ay ku leeyihiin  Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 30 Askari oo ka tirsan Ciidamada Burundi, sidoo kalena lagu dhaawacay tobonaan kale oo Askari, Al-shabaab ayaa dhankooda sheegtay inay weerarka ku dileen 173 Askari.

 

 

Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay oo War kulul kasoo saaray Weerarkii Al-shabaab
To Top