WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo soo yimid Magaalada Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo sabti ah safar shaqo ku soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamanka  Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee dowladda Federaalka, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan labada Gole ee Galmudug iyo Masuuliyin kale.

Cali Daahir Ciid oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa waxaa uu marka hore ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna sheegay Madaxweyne ku-xigeenka inuu ujeedka safarkiisa uu yahay mid la xiriira Arrimo shaqo.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa intaas kusii daray inuu ka qeyb qaadan doono doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lagu wado inay Muqdisho ka dhacdo 15 May 2022.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Madaxweyneyaasha maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed, Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ee Jubbaland iyo Madaxweynaha Puntland oo ah Musharax Madaxweyne, isla markaana wada olohiisa doorashada.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo soo yimid Magaalada Muqdisho
To Top