WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Koox hubeysan oo Dil ka geysatay Magaalada Baladweyne

Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa qeybta 27-aad ee Ciidamada Magaaladaas ka howlgala ayaa xalay kooxo hubeysan ku dilay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Rag dhallinyaro ah oo watay Bastoolad ayaa waxaa la sheegay in rasaas dhowr ah qeybaha sare ee jirka uga dhufteen Askariga Ciidanka dowladda, kadibna uu ku geeriyooday goobta uu falku ka dhaca.

Magaca Askariga la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Shuute Cabdullaahi, isla markaana waxaa goobta uu dilka ka dhacay ka baxsaday dadkii ka dambeeyay dilkaas, waxaana sida cadaadada aheyd halkaas tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka.

Meydka Askariga la dilay ee Shuute Cabdullaahi ka qaaday ayaa waxaa goobta ka qaaday Ciidamada, waxaana wararka intaas ay kusii darayaan inay sameeyeen Ciidamada howlgal lagu baadi goobayo kooxihii geystay falka.

Si kastaba Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geystaan rag hubeysan, waxaana hore Magaaladaas loogu dilay Askar, mas’uuliyiin ka tirsanaa Hirshabeelle iyo xubno kale.

Wararkii ugu dambeeyay Koox hubeysan oo Dil ka geysatay Magaalada Baladweyne
To Top