WARARKA SOOMAALI

Ganacsatada Qaadka Kenya oo ku hanjabay in ay Qaadka ka joojin doonaan Soomaaliya-Akhriso

Muqdisho (HM) – Ganacsatada Qaadka dalka Kenya ayaa ku hanjabay inay joojin doonaan qaadka ay keenaan Soomaaliya haddii aan xal laga gaarin murun xuduud badeedka u dhaxeeya labada dowladood.

Afhayeen u hadlay ganacsatada qaadka u iib keenta Soomaaliya oo lagu magacaabo Kimathi Munjuri ayaa sheegay in madax banaanida Kenya aysan marnaba siisaneyn suuqa Khaadka ee Soomaaliya.

Afhayeanka wuxuu sheegay in mar walbaa oo labada dowladood is qabtaan in Soomaaliya ay Kenya ku handado inay Khaadka joojineyso, balse taasi aysan waxba u dhimi doonin ganacsigooda.

“Kuma iibsan karno Qaad madaxbanaanida dalkeenna, Soomaaliya mar waliba waxaa ay ku goodisaa Qaadka Soomaaliya si ay u soo jeediso dareenka Dowladda Kenya’ ayuu yiri mr Kimathi Munjuri .

Soomaaliya waa Suuqa Qaadka kaliya ee ay hadda heysato Kenya,waxaana ay ka tahay 90%, maaddaama dalalka UK, Australia iyo kuwo kale ay Qaadka Kenya mamnuuceen kaddib markii ay ku sheegeen in uu daroogo yahay.

Waxaa la sheegayaa in dhaqaalo badan oo gaaraya 400 oo Kun doolar ay maalin walbaa ka helaan Kenya Khaadka ay u iib keenaan Soomaaliya, taasi oo dhaqaalaha Soomaaliya hoos u dhigtay.

Xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa cirka isku shareertay kaddib markii ay kenya la baxday danjiraheedii Soomaaliya kii Soomaaliyana soo ceyrisay.

SOMALI NEWS

To Top