WARARKA SOOMAALI

GAALKACAYO:-Masuuliyiin Caan ah oo Qarax lagu dilay, Wararkii u dambeeyay-Akhriso

Qaraxaan ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Jiire Cabdilaahi Yuusuf waxaana lala beegsaday taliyaha ciidanka isku dhafka gobolka mudug, siday xaqiijeen weriyayaal ku sugan halka uu qaraxu ka dhacay waxaa weerarkaas ku dhintay taliyihii ciidanka isku dhafka ah Col. Cabdixakiin Cabdullaahi Xoreeye iyo weliba Cabdiqani Axmed Geyre iyo Fu’aad faratol oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada isku dhafka oo ay maamusho dawlada federaalka ah ee soomaaliya.

Ma jirto cid sheegatay werarkaan dawladuna weli kama aysan hadlin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, wixii warar ah ee ka soo kordha qaraxaan waxaan idiin ku soo gudbin doonaa wararkeena kale.

SOMALI NEWS

To Top