WARARKA SOOMAALI

Gaadiid Qaraxyo ka buuxaan oo soo galay Muqdisho iyo Digniino laga soo saaray-Akhriso

Muqdisho (HM)-Cabsi xoogan iyo hadal heyn dhanka amaanka ayaa ka taagan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyadoo dadka ay hadal hayaan xaaladaha dhanka amaanka ee Muqdisho.

Fariimo digniino ah ayaa aad loo hadal hayaa kuwaasi oo lagu sheegay in gaadiid ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa ay soo galeen magaalada Muqdisho, taasi oo cabsida dhanka amaanka ah dhalisay.

Qoraalka digniinada ah ee aad loo hadal haya ayaa waxaa bixiyay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan amaanka UNDSS, walow warar soo baxaya ay sheegayaan in digniinaha ay ahaayeen kuwo hore loo baahiyay, waxaana la sheegay in afar gaari oo qaarkood ay yihiin kuwo waaweyn ay soo galeen magaalada Muqdisho.

Digniinta ayaa lagu sheegay inay suuragal tahay in lagu beegsado Hoteelo iyo goobo ay dadweynaha ku kulmaan, waxaana laga digay in meelaha qaar laga fogaado.

Weeraradan ayaa dhici kara Arbacadda Maanta ah illaa Sabti, sida warbixinta lagu sheegay, waxaana ku jira Baabuurta Qaraxyadda ah mid Xamuul ah oo sida Qarax Tankiisu wayn yahay.

Dhawaan inta aan la weerarin xarunta wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha waxaa hay’adaha sirdoonka reer Galbeedka ay soo saareen digniino dhanka amaanka ah, iyadoo aan wax laga qaban.

Cabsi xoogan ayaa soo wajahay shacabka magaalada Muqdisho oo dhibaatada ugu badan ay kasoo gaarto weerarada iyo qaraxyada Al SHabaab ka fuliyaan gudaha magaalada Muqdisho.

SOMALI NEWS

To Top