WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweynaha Maamulka Puntland oo gaadhay Qardho-Video

Boosaaso ( HM ) Magaalada Qardho waxaa maanta si balaadhan loogu soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo ka yimid magaalada Garoowe, Kuna soo hakaday degmada Dangorayo.

Madaxweynaha ayaa looga hortagay banaanka magaalada Iyadoo soo dhawayntiisa ay hareeraha wadooyinka u taagnaayeen maamulka dawlada, Siyaasiyiin, Cuqaal, waxgarad, arday, haween iyo dhalinyaro.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha ayaa soo gaaray barxada wayn ee magaalada Qardho, iyadoo masuuliyinta dawlada iyo waxgaradku ay halkaas hadalo ka jeediyeen.

Madaxweyne Saciid Cabdilaahi Deni ayaa goobta ka hadlay waxa ka hadlay Arimaha Amaanka, dooraashoyinka iyo wada shaqayn dhex marta dawlada iyo shacabka.

” Waqtigii ololaha waa dhamaaday, hadalada hoos ka tuurtuurka ah yaysan waqti inaga lumin, dawlada waa in lala shaqeeyay rabtaa,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni, sidoo kale waxaa soo hadal qaaday arimaha doorashooyinka “Qardho waa meelaha u horeeya ee laga qaban doono doorashooyin hal qof iyo hal cod “

Ugu danbayn madaxweyne Saciid Cabdilaahi Deni waxa uu dhagax dhigay dhismayaal cusub oo lagu darayo xerada ciidamada birmadka ee Xorgoble Qardho, sidoo kale qayb cusub oo qaliinka ah oo lagu kordhiyay cusbitaalka Qardho ayuu madaxweynuhu iyadana xadhiga ka jaray.

Safarka madaxwaynaha Puntland ee Qardho ayaa kusoo beegmaya Xili uu Boqor Burhaan Boqor Muuse ku maqan yahay magaalada Muqdisho, Sidoo kalana dhowaan gudoomiyaha baarlamaanka Puntland uu sheegay in Waxgaradka Qardho kasoo horjeedaan Xukuumadda Siciid DENI.

SOMALI NEWS

To Top