WARARKA SOOMAALI

Farmaajo iyo Khayre oo Tii ugu xumeyd ku dhigay Jawaari iyo Kaartada ay u dageen Maanta oo Dad badan hadal hayaan-Warbixin

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa hadal ka jeediyay kulankii lagu ansixiyay Golaha Wasiirada qaranka isagoo ku hadlayay magaca madaxweynaha iyo gudoonka barlamaanka.

Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa sheegay iney dhisi doonaan gudiyada wasaaradaha si loola xisaabtamo xukumada cusub ee uu soo magacaabay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

“Waxaan rabnaa in la dhiso gudiyada barlamaanka si wasiir walba golaha shacabka loogu yeero isla markaana lala xisaabtamo”ayuu yiri gudoomiye Jawaari.

“Golaha shacabka waa gole ay ku faani karaan shacabka Soomaaliyeed, waana ku faraxsanahay iney dantooda ka hormarinayaan danta qaranka”ayuu yiri Jawaari.

Gudoomiye Jawaari oo la aamisanaa inuu kamid yahay xildhibaanada kasoo horjeeda wasiirada cusub ayaa umuuqday mid aanan si weyn uga dheeraan ka hadalka qaabka loo ansixiyay wasiirada, laakiin kaliya waxaa uu yiri “Anaga Hambalyo ma idin dhaheyno ee horey usocda ayaan idin dhaheynaa”.

Si kastaba, Xildhibaano gaaraya 224 mudane ayaa codka kalsoonida siiyay wasiirada, waxaana diiday 15 halka kaliya labo mudane ay ka aamuseen, waxaana shirka goob joog ka ahaa 241 Xildhibaan.

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top