WARARKA SOOMAALI

Faah faahin:- Shil khasaaro dhaliyey oo ka dhacay meel ku dhow Madaxtooyada

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo barqadii Maanta ka dhacay meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada, kadib markii uu soo fariin goostay gaari weyn oo marayay wadada laamiga ah.

Gaari Booyad ah oo lagu qaado saxarada iyo Biyaha doorsoomay ama wasaqaysan ayaa kasoo Bareeg goosatay agagaarka dhismaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, wuxuuna afka la galay derbi oo ku yaalla halkaas.

Dad la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in gaariga uu dulmaray oo uu jiiray hal qof oo shacab ah oo wadada marayey, kaasi oo goobta ku geeriyooday,

Gaariga falka gaystay ayaa la sheegay in ay leedahay Dowladda hoose ee Xamar, waxaana uu ka mid yahay gawaarida loogu talagay nadaafadda, ee ka shaqeeya gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Shilalka ka dhaca Muqdisho ayaa inta badan sababa khasaaro nafeed iyo mid maal, oo soo gaara dadka shacabka, waxaana shilalka badankood sababa, wadayaasha gaadiidka oo Xawaare sare ku wada iyo waddooyinka oo qaarkood aad u burbursan.

Faah faahin:- Shil khasaaro dhaliyey oo ka dhacay meel ku dhow Madaxtooyada
To Top