WARARKA SOOMAALI

Xubno ka tirsan Dowladda iyo dowlad Goboleedyada oo Shir uga socda Kismaayo

Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa malintii saddexaad shir uga socdaa Guddiyada Shaqaalaha Rayidka Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed & Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa maanta diiradda lagu saarayaa Maamul Wanaaga, Taariikda Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed, dhaqangelinta nidaamka tartan furan ee shaqo-qorista, hannaanka isu-wareejinta Shaqaalaha Rayidka heerarka kala duwan ee Guddiyada shaqaalaha .

Gudoomiyihii ugu horeeyey Guddiga Qaranka shaqaalaha Rayidka Dowladda Mudane, Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) ayaa shirka ka sheegay in muhiim ay tahay in la helo Shaqaalaha Rayid ah oo midaysan lehna xirfaddii iyo kartidii loo baahnaa sidoo kale waxa uu ku dheeraaday ka hadalka Dowlad Wanaaga iyo taarikhda Xiriirka Guud Ee Urrarada Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa daba socda Shir labadii maalin ee la soo dhaafay uga socday Magaalada Kismayo Guddiyada Shaqaalaha Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed & Maamulka Gobolka Banadir.

Xubno ka tirsan Dowladda iyo dowlad Goboleedyada oo Shir uga socda Kismaayo
To Top