WARARKA SOOMAALI

Xildhibaankii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay Jowhar

Maamulka Hirshabelle ayaa maanta si rasmi ah u guda-galay doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee deegaan doorashooda ay tahay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Doorashada oo lagu bilaabay lix kursi ayaa waxaa kursigii ugu horreeyey ee Hop#033 kusoo baxay Yuusuf Ibraahim Afrax oo markale loo doortay Golaha Shacabka.

Afrax ayaa helay llaa 69 cod, halka Musharixii la tartamayey uu heley 22 cod, sidoo kale waxaan halaabay 6 Cod, sida uu shaaciyey guddiga hirgelinta doorashada ee Hirshabelle.

Doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda-galy kuraasta kale ee isla maanta loo qorsheeyey inay ka dhacdo magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabelle.

Ammaanka guud ee Magaalada Jowhar ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka Booliska Haramcad iyo kuwa Booliska Maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaankii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay Jowhar
To Top