WARARKA SOOMAALI

Faah faahin: Ciidamo ka tirsan Kenya oo Qarax khasaaro dhaliyey lala beegsaday

Qarax ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya waxaa saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay degaano katirsan Magaalada lamu, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa deegaannada Kayunga iyo Sankura lagula eegtay kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Kenya, hayeeshee ay ku waxyeeloobeen Ciidamo hareero socday Gaadiidka.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxa ayaa Warar lagu qoray Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegteen inay qaraxaasi ku dileen 15 kamid ah Askarta Kenya wallow aysan jirin dad madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Kenya ay fureen rasaas farabadan qaraxa kadib, iyaga oo sidoo kale howlgalloka sameeyay wadada u dhaxeeysa deegaannada Kayunga iyo Sankura ee Magaalada lamu.

Qaraxaan lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidanka Kenya ayaa kusoo aadaya xili shalay Ciidamo Kenyan ah qarax lagula beegsaday agagaarka deegaanka Kaambooni, kaas oo geystay khasaaro kala duwan.

Faah faahin: Ciidamo ka tirsan Kenya oo Qarax khasaaro dhaliyey lala beegsaday
To Top