WARARKA SOOMAALI

Booliska Mareykanka oo baadi goobaya Dad fal halis ah ka geystay Magaalada…

Ciidanka Booliska Magaaladda Hopkins ee Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa baadi goobaya dad isku rasaaseeyay dhismo ku yaalla xaafad la deggen yahay oo ay guryo baddani ku yaalaan.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ay dhowr qof oo ay ku jiraan Soomaali dhaawac halis ah la gaarsiiyay fiidnimadii jimcaha, dhismaha ay rasaas baddani ku taalo derbiyadda.

Sidoo kale Booliska ayaa weli raadinaya dadkii ka dambeeyay toogashada oo ka dhacday dhisme uu ciwaankiisu yahay 4xx Blake Rd N.

Weli waxaa baadigoob loogu jiraa oo ay Booliska aad u tiro baddan iyo Ey baddan oo ah nooca loo yaqaano K9 oo tababaran oo kaalmeynaya booliska ay ku raad jooga dadkii xabadaha riday oo cararey, orod lug ahna la sheegay in ay ku carareen.

Waxaa la xiray dhamaan waddooyinka u dhow dhismaha la isku xabadeeyay, waxaana dadweynaha looga digayaa in ay is ilaaliyaan oo ayna soo bixin ama goobta soo marin.

Booliska Mareykanka oo baadi goobaya Dad fal halis ah ka geystay Magaalada…
To Top