WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo kulan xasaasi ah la qaatay Sheekh Shariif

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa diirada lagu soo saaray Arrimaha doorashooyinka dalka ka bilowday iyo sidii loo dar dargalin lahaa doorashada hartay.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen sidii wanaagsaneyd ee uu hogaamiyay doorashadii xubnaha Aqalka sare ku matalaya Dowladda Hirshabeelle, oo u dhacday si daahfuran.

Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif ayaa sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle kala hadlay walaaca ay ka qabaan dib u dhaca doorashada, waxa uuna ugu baaqay in si deg deg ah loo guda galo doorashada Xildhibaanada golaha shacabka.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa maalmo kahor soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kadib markii ay soo dhammaatay doorashadii Senatorka Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee laga soo doorto deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo kulan xasaasi ah la qaatay Sheekh Shariif
To Top