WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Dab xoog leh oo qabsaday Jaamacad ku taalla Magaalada Muqdisho

Waxaa Maanta dab xoogan uu ka kacay qeybo kamid ah dhismaha ay degan tahay Jaamacada SIU ee magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunteeda ku taala Ex-Iskuulka Muusa Galaal oo ku dhaw laamiga Warshadaha.

Dabka ayaa qabsaday qaar kamid ah dhismaha Iskuulka oo jaamacada degan tahay , waxaana xiliga dabku ka kacayay jaamacada la sheegay in arday badan ku sugnaayeen ayna qaadanayeen xiisad.

Gaadiidka dab damiska oo gaaray Jaamacada dabku ka kacay ayaa markii dambe ku guuleestay in ay dabka damiyaan, lamana soo sheegin weli khasaaro nafeed oo ka dhashay dabkan ka kacay Dhismaha Jaamacada.

Maamulka Jaamacada SIU ayaana wali ka hadlin dabkan Jaamacada ka kacay iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana mar qura jaamacada ka kala cararay ardaydii iyo Macalimiintii ku sugneed si dabka uga bad badaan.

SAWIRRO:-Dab xoog leh oo qabsaday Jaamacad ku taalla Magaalada Muqdisho
To Top