WARARKA SOOMAALI

Duulimaadkii u horeeyay ee toos ah Muqdisho iyo Nairobi oo saaka bilaabamay iyo Soomaliland oo wadnaha Farta ku haysa-Warbixin

Duulimaadkii u horeeyay ee toos ah Muqdisho iyo Nairobi ayaa maanta oo arbaco ah bilaaban doona, iyadoo dowladda Kenya ay si rasmi ah u bilaabi doonto dhaqan gelinta heshiiskii todobaadkii hore ay wada gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb geli doona Munaasabada lagu daah-furi doono duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo diyaaradii u horeysay oo toos ah ay saaka ka dhoofi doonto magaalada Muqdisho.

Dad badna oo Soomaaliyeed ayaa dhib ku qabay garoonka Wajeer, halkaasoo ay ku hakan jireen diyaaradaha ka baxayay Soomaaliya, iyadoo muddo saacad ku dhowaad ah baaritaan adag lagu sameyn jiray, inta aanay Nairobi ka degin.

Sidoo kale dhamaan diyaaradaha horay uga bixi jiray Hargeysa, Boosaaso iyo Kismaayo ee aadi jiray Kenya ayaa bedelkii ay mari jireen Wajeer, wixii hada ka dambeeya soo mari doona magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Kulankii Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya wuxuu furay bog cusub oo xiriirka labada dal ah, iyadoo Kenya ay u muujisay Soomaaliya dabacsanaan iyo saaxibtinimo joogto ah.

Heshiiskii ay wada gaareen labada Madaxweyne ayaa waxaa ka mid ahaa:-

1. Heshiiska labada dal u dhaxeeya ee JCC oo la cusboonaysiinayo.
2. Laba toddobaad gudahood oo duulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi dib loo billaabayo (Wajeer lama soo maraayo)
3. Baasaboorrada Service iyo Diplomatic ee Soomaaliya oo visaha Kenya lagu siin doono ON ARRIVAL ama garoommada Kenya.
4. Kastamka Xudduudaha Beled Xaawo iyo Mandheere oo dib loo furi doono.

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top