WARARKA SOOMAALI

Daawo:Dhibka iyo Rafaadka Shacabka ku haysta Duleedka Hargeysa iyo Maamulka Siilaanyo oo ku fashilmay wax ka qabashada Toga Aw-Barkhadle-Video

Duleedka magaalada Hargeysa waxaa ka taagan dhibaato aad u weyn taas oo haysata shacabka iyo Gadiidka kala duwan kuwaas oo u kala safra Gobalada kala duwan ee Soomaaliya ,shacabka iyo Gadiidka ayaa aad ugu dhiban Doox weyn ee lagu magacaabo Togga Aw-Barkhadle kaas oo sanad kasta oo roob uu soo curtaba keena biyo aad u badan isla markaasna gooya jidka weyn ee isku xidha dhamaan Gobalada waqooyi Jabuuti iyo waliba Itoobiya.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Waxaana sida muuqaalkan hada idiinka muuqanta aad ugu dhiban shacabka iyo gadiidka kala duwan kuwas oo dhexda u fadhiisanaya marka ay damcaan in ay ka gudbaan.

Sidoo kale togan waxaa ka dhasha dhibaatooyin kala duwan oo naf iyo maalba ah waxaana u sababa wakhtigan oo kale in u isku qaado Dadka iyo Baabuurta ay watanba waxaan u dambeysay dhawaan markii oo laba hablood oo gaadhi wata kuna sii jeeda magaalada Hargeysa ay la kulmeen Dooxan oo markaa Buuxsamay saasna uu ku qaatay ilaa hadana aan jaan iyo cidhib halka ay dhigeen war laga hayn.

Maamulka Soomaliland ayaa indha ka qarsaday dhibka shacabka ilaa hadana wax war ah kama soo saarin rafaadka haysta shacabka halka xubnaha maamulka ay gadiid casri ah oo ay ka gateen xoolihii shacabka Biyaha deg deg ugu dhaafaan.

Wararka Horufadhi.com

SOMALI NEWS

To Top