WARARKA SOOMAALI

Duqa Muqdisho oo Amar kusoo rogay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shir guddoomiyay shirka degmooyinka Gobolka kaas oo looga hadlay sidii sanadkan cusub ee 2023 horumara muuqdo oo la taaban karo looga hirgalin lahaa Caasimadda.

Shirkan oo ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose Xamar ayaa qodobadii looga hadlay waxaa kamid ahaa dardargalinta Amniga, kor u qaadista Daqliga, Nadaafada iyo Horumarinta isdhaxgalka Bulshada.

Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shirka ka sheegay in guddoomiye kaste iyo Agaasime kaste lagula xisaabtami doono mas’uuliyadda uu shacabka u hayo.

Duqa Muqdisho ayaa Guddoomiye degmo ka tirsan Gobolka Banaadir ku amray in looga baahan yahay in amniga degmadiisa uu sugo, isla markaana lagula xisaabtami doono wax kasta oo amni darro ah iyo mas’uuliyad xumo ka dhacdo.

Shirkan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayaha guud ee Gobolka, Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka, Guddoomiyaasha Degmooyinka, iyo Agaasimayaal.

Duqa Muqdisho oo Amar kusoo rogay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir
To Top