WARARKA SOOMAALI

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay xasuuqa Somaliland ka wado Magaalada Laascaanood

Beesha Caalamka ayaa War kasoo saartay rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo tacadiyo ka wadaan ciidamada Booliska Maamulka Somaliland oo ay u geysanayaan dadka deegaanka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa ay walaac uga muujiyeen rabshadaha Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dadka shacabka ee aan waxba galabsan.

Wakiilada ayaa caddeeyay in muhiim ay tahay in Somaliland ay joojiso tacadiyada ay u geysanayaan shacabka, isla markaana la ilaaliyo xasilloonida, lana joojiyo xaaladda ka taagan Laascaanood.

“Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo is-xakameyn. Xiisadaha waa in lagu xalliyaa isdajin iyo wadahadal” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka ee looga hadlaayay rabshadaha magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

In ka badan 10 qof ayaa ku dhintay rasaas ay ciidamada Maamulka Somaliland ku fureen dad Laascaanood ka dhigaayay banaanbax, halka dhowr qof kalena ay dhaawacmeen, xaaladda magaalada ayaa weli ah mid kacsan.

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay xasuuqa Somaliland ka wado Magaalada Laascaanood
To Top