WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Aadan Madoobe oo magacaabay Guddi Farsamo (Akhriso Magacyada)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay guddi farsamo ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu magacabaay Guddi ka kooban ilaa iyo 7 xubnood, kuwaasi oo ka shaqeyndoona shirka dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Shirkaan ayaa waxaa lagu wadaa in 5-ta bishaan Janaayo 2023 uu ka furmo magaalada Baydhabo es Xarunta Gobolka Baay, waxaana shirka isugu imaan doona siyaasiyiinta iyo Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed ee isku haaya doorashada k dhaceysa Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe iyo siyaasiyiin kale ayaa ku howlan sidii xilka looga tuuri lahaa Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, waxaana dhawaan qalalaaso laga abuuray magaalada Baydhabo.

Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha cusub

Guddoomiye Aadan Madoobe oo magacaabay Guddi Farsamo (Akhriso Magacyada)
To Top