WARARKA SOOMAALI

Brazil oo Madaxweyne cusub yeelatay & Madaxweyne Putin oo durbo kulan ugu yeeray

Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha ee dalka Brazil, Luis Inácio Lula da Silva ayaa loo dhaariyey xilka Madaxweynaha dalkaas.

Madaxweynaha cusub oo 77-jir ah ayaa waxa uu horey Madaxweyne u soo noqday muddadii u dhexeysay 2003-dii ilaa 2010-kii.

Xafladiisa Caleema-saarka ayaa waxaa ka qeyb wafuud shisheeye ilaa 19 Madax Dowladeed oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyneyaasha dalalka Latin America, Germany, Portugal iyo Boqorka dalka Spain.

Dhinaca kale Madaxa Aqalka Senate-ka Ruushka, Valentina Matviyenko ayaa la sheegay inay Madaxweynaha cusub ee dalka Brazil, Luis Inácio Lula da Silva u gudbisay dhambaal Qoraal casuumaad ah oo ay ka waday Madaxweyne Vladimir Putin.

Warbaahinta Ruushka ayaa waxay shaaciyeen in casuumaada loo gudbiyey Madaxweynaha cusub ee Brazil, Luis Inácio Lula da Silva isla munaasabadii loogu caleema-saaray Xilkaasi.

Brazil oo Madaxweyne cusub yeelatay & Madaxweyne Putin oo durbo kulan ugu yeeray
To Top