WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Guudlaawe oo Ingiriiska kala hadlay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan la qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire Kate Foster.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud Hirshabeelle gaar ahaan howlgallada deegaanada Hirshabeelle looga saarayo Al-shabaab oo qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo dadka deegaanka oo is garabsanaya ay

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay muhiimada ay leedahay in deegaanada laga xureeyay kooxda Al-shabaab laga fuliyo barnaamijyada xasilinta si ay bulshado u hesho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa weli ku sugan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, oo uu ka qeyb galay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan lasoo gaba-gabeeyay.

Madaxweyne Guudlaawe oo Ingiriiska kala hadlay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab
To Top