WARARKA SOOMAALI

Dowladda Uk Banaanka Soo dhigtay Mowqifkeeda Maamulka Somaliland“Somaliland waa Qayb kamid ah Somalia,,Soomaliya waa mid!

Qoraal kooban oo ay soo saartay dowladda UK oo ay kaga hadleysay xaaladda Dalka Soomaaliya ayey ku shaacisay mowqifkeeda ku aadan gooni isu taaga Somaliland oo sharci ahaan kamid ah Soomaaliya.

Dowladda UK oo ka hadleysay qaabka ay u caawiso Somaaliya, ayaa qorshaheeda ku dhex shaacisay inay Somaliland tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya, isla markaasna ay wax la qeybsanayaan Soomaalida inteeda kale.

UK ayaa ka dhawaajisay inaysan macquul aheyn in Somaliland ula macaamilaan sida wadan kaligiis meel taagan, maadaama ay arrintaas ay hor imaaneyso shrucuuda Caalamiga ah oo ay dowladda Ingiriiska saxiixday sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay sheegtay inay qarash badan ku badan ku bixisay mashaariic ay siisay Maamulka Somaliland, balse aysan midaas ka dhigneyn inay Soomaaliya ka go’day, waxayna sheegtay inay qeyb ka heleyso qarashaadka ay ugu talagashay Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa shuruud adag ku xirtay inay Somaliland u aqoonsato wadan ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, waxayna ku xirtay inay dhammaan soo buuxiso shuruucda looga baahan yahay wadamada kala go’ayo.

Shuruuda ugu weyn oo ay ku xirtay ayaa ah inay marka hore Somailand kasoo dhaadhacsiiso Midowga Africa in loo aqoonsado wadan, marks ay taas ku guuleysato oo uu Midowga Africa u aqoonsado Somailand inay tahay wadan ka madax banaan Soomaaliya qeybna ka ah Midowga Africa ayey dowladda Ingiriiska sheegtay inay iyadana aqoonsan doonto.

Xujadaas ayaana u muuqato mid aysan Somaliland ku guuleysan karin, maadaama ay arrintaas ku fashilmatay dhawr hore oo ay codsiyo u dirtay Midowga Africa, waxaana si cad looga sheegay inaysan macquul aheyn go’itaanka ay sheeganeyso.

Dowladda Ingiriiska ayaa soo bandhigtay Lacago Malaayiin ah oo ay ugu deeqaday Maamulka Somailand, waxayna ka codsatay inay Somailand ku qanacsanaato inay kamid tahay Dowladda Soomaaliya.

 

SOMALI NEWS

To Top