WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo xayiraadii dhanka safarada ka qaaday Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur-Akhriso

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa laga qaaday xayiraadii ka saarneyd dhaka safarada, kaddib markii horay Xeer Ilaalinta ay ku soo oogtay dambi qiyaano qaran iyo inqilaab, iyadoo 17-kii bishii December ciidamo ka tirsan Nabadsugida ay weerareen gurigiisa.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa boggiisa rasmiga ee Facebook soo geliyay, sawir uu ku muujinayo inuu ku sugan yahay garoonka diyaaradaha Muqdisho, isla markaana safar u yahay dalka deriska ah ee Kenya.

C/raxmaan C/shakuur oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in xayiraada dhanka safarka ay ka qaaday Maxkamadda, isla markaana dowladda Soomaaliya ay ka noqotay dacwadii ay hofay ugu soo oogtay.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa horay u sii deysay, kaddib markii dambi ku weysay, kaddib markii Xeer ilaalinta ay keeni weyday caddeymo ku aadan dambiyadii ay ku soo oogtay, waxaana markii dambe Xeer Ilaalinta ka qaadatay racfaan.

Siyaasigan ayaa 17-kii bishii December ee sanadkii hore gurigiisa ay ku weerareen Ciidamo ka tirsan NISA, waxaa weerarkaas lagu dilay shan ka mid ah Ilaaladiisa, isagana waa lagu soo xiray, waxaa uu xabsiga ku jiray dhowr cisho, inkastoo markii dambe ay sii deysay Maxkamadda Racfaanka.

Kiiska C/raxmaan C/shakuur iyo qaabka lagu weeraray gurigiisa ayaa dhaliyay doodo iyo su’aalo, waxaana kiiskaas uu soo jiitamayay dhowr bilood oo ugu dambeyn haatan u muuqato in sulux iyo heshiis hoose ah lagu dhameeyay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda ay bixisay diyada ilaaladii lagu dilay weerarkii Guriga C/raxmaan C/shakuur, waxaana diyada la siiyay qoyskii dadkii dhintay iyo odayaasha beesha, sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoonaan karo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr Sabriye ayaa la sheegay inuu door ku lahaa soo afjarida xiisadan, maadaama ay isku heyb ahaayeen Mr Warsame.

C/raxmaan C/shakuur oo horay u soo noqday Wasiir iyo Musharax Madaxweyne ayaa ah nin cod kar ah, si aad ah u dhaliila dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaa uu bartiisa Facebook iyo Twitter-ka u adeegsadaa gudbinta afkaartiisa siyaasadeed, waxaa tiro dhowr jeer ay hey’adaha ammaanka ka hakiyeen kulamo siyaasadeed uu qaban lahaa.

SOMALI NEWS

To Top