Wasiirka Wasaaradda Gaashaandigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo ASG Lisa Filipetto oo ah kaaliyaha Wakiilka gaarka ah ee u qaabilsan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Arimaha Soomaaliya ayaa shir gudoomiyay kulan ku qabsoomay Aaladda fogaan aragga ah ZOOM ,
Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo sii wadi lahaa kaalmada deeq bixiyaasha ay ku taageerayaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo dardargalinta ololaha dib -u-dhiska Ciidanka.
Kulanka waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka iyo Safaaradaha Dowladaha Saaxiibada la ah Soomaaliya, waxaana si qota dheer loo gorfeeyay sida lagama maarmaanka ay u tagay Joogteynta taageerada la siiyo Ciidanka XooggaDalkaSoomaaliyeed.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
